Muuse Bilaal waa qaari imaam ka ah masjidka An-nuur ee ku yaala Makka Almukarramah, waxa uu xubin ka ahaa dadkii maamulayay musaabaqadii Dubai lagu qabtay sanadkii 1420m,
Ad-dawkaali Maxamed Alcaalim, waxa uu dhashay sanadkii 1949m , wuxu u dhashay wadanka liibiya
Majdi Albeltaji, waa qaari masri ah oo cod macaan, cajalado badana duubay.
Axmed Dhaalib Xumayd, waxa uu ku dhashay magaalada Riyadh sanadkii 1401H, waxa uu ka baxay jaamacada Imam, hadana waxa uu Imaam ka yahay masjidka Xaramka ee Makkah.
Bandar binu c.caziz baliilah , waxa uu ku dhashay Makka Al-mukarramah, sanadkii 1395H, shahaadada master ayuu ku haystaa cilmi fiqhiga, sidoo kale diktoora ayuu ku haystaa isla cilmigaas, waxa uu imaam ka yahay masjidka Amiira noof, oo ku yaala Makka, markii danbe waxa uu imaam ka noqday Masjidka xaramka.
Mustafe Gharbi waa qaari maqribi ah , waana sheekha qurraada maqrib, waxa uu dhashay sanadkii 1964m
Waliid Cali Maxamed An-naa ixi, waa liibiyaan, waxa uu ku guulaystay kaalinta labaad musaabaqadii quraanka ee Dubai ay qabatay.
Axmed Almisbaaxi waa qaari yamani ah, waxa uu quraanka ku bartay magaalada xudayda masjidka Usaama bin zayd, hadana waxa uu macalin ka yahay jaamacada Culuum Wa Tiknolojiya, oo ku taal Sanca Yamen.
C.kabiir Alxudaydi, wadanka ayuu maqrib u dhashay sanadkii 1963m, waa aasaasihii mashruuca (quraanka ku xifdi gurigaaga) .
Alcuyuun Alkushi waxa uu ku dhashay magaalada Aasfi ee wadanka maqrib, sanadkii 1967m, quraanka ayuu xifdiyay isaga oo sagaal jir ah.