×
Image

Kitaabka ( Dhufayska muslimka ) - (Soomaali)

1- Ducada marka laga soo tooso hurdada , ducada xirashada dharka , ducada xirashada marada cusub , ducada qofka xiranayo maro cusub , waxa uu odhanayo qofku marka uu iska dhigayo marada. 2- Ducada galida musqusha ( suuliga) , ducada ka soo bixida musqusha , ducada waysada ka hor ,....

Image

Raacida sunada iyo ka tagida bidcada - (Soomaali)

Muxaadaro ka hadlaysa raacida sunada nabiga s.c.w iyo ka tagida bidcada, iyo wanaaga arintaasi leedahay aduun iyo akhiiraba

Image

Axkaamta qubuurta - (Soomaali)

Muxaadarooyin taxane ah oo ka hadlaya qabuuraha, iyo qaabka loo booqdo, xukunka ay leedahay in la soo qodo oo la soo saaro qofka ku aasan, sidoo kale ma banaan tahay in masjid laga dhex dhiso qubuurtu, iyo arimo badan oo muhiim ah.

Image

Manhajka Al asmaa wa As-sifaat - (Soomaali)

Silsilad muxaadarooyin ah oo ka hadlaya macnaha Asmaada iyo sifaadka ilaahay S.W. iyo sida loo macnaynayo. Sida ka soo aroortay salafkii saalixa ahaa. Iyo sidoo kale cadayn waxyaabaha ka reeban qofka magacaantaas macnaynaya.

Image

Sharaxa kitaabka sifaat - (Soomaali)

waa sharaxaad ku saabsan kitaabka As-sifaat ee uu qoray Imam Daara-qudhni, oo uu ku cadeeyay sida ugu haboon ee loo macnayn karo magacaanta iyo sifooyinka ilaahay, midaas oo ah in la raaco sida kitaabka quraanka iyo sunada ku sugan, oo lagu fahmayo manhajka salafka saalixa ah.

Image

Qisaska anbiyada - (Soomaali)

Muxaadarooyin taxane ah oo ka hadlay qisaska anbiyada lagu sheegay quraanka, laga soo bilaabo nabi aadan ilaa laga soo gaadho nabi ciise. Calayhimu as-salaatu wa as-salaam.

Image

Suufiyada - (Soomaali)

Muxaadarooyin taxane ah oo uu sheekhu kaga hadlayo manhajka suufiyada iyo qaybaha ay u qaybsamaan, iyo kuwooda khatarta ku ah diinta islaamka. Sidoo kale waxa uu sheekhu soo bandhigayaa kutubta ay akhristaan suufiyadaasi, waxana uu sharax fiican ka bixinayaa kitaabka ay soomaalidu u taqaano MANAAQIB. Isaga oo kitaabkaasi ku qaadaa....

Image

Sharaxa kitaabka Usuusha sadexda ah - (Soomaali)

waa sharax qiimo leh oo ku saabsan kitaabka usuul As-salaasa, kaasi oo cadaynaya sadexda arimood ee waawayn ee laga rabo qof walba in uu garto oo uu barto.

Image

Macanaha suurada Al-casri - (Soomaali)

Tafsiir kooban oo ka hadlaya suurada al_casr iyo waanooyinka ay xanbaarsan tahay.

Image

Sifatu Salaati Nabi - (Soomaali)

duruus taxane ah oo ku saabsan sharaxa kitaabka SIFATU AS- SALAATI AN-NABIYI- scw. oo uu qoray sheesh albaani, kitaabka waxa uu si fiican u sharaxayaa sidii uu nabigu tukan jiray salaada

Image

Wanaaga islaamka iyo dhexdhexaadnimadiisa - (Soomaali)

Macnaha dhexdhexaadnimada islmaanka , ku toosnaanta caqiidada toosan, ka caado dhigashada akhlaaqada iyo dhaqanka wanaagsan, la dhaqanka wanaagsan.

Image

Ictiqaadka Ahlu sunah - (Soomaali)

sharaxa kitaabka ICTIQAADKA AHLU SUNAH, waana kitaab ka uga hadlaya dhanka caqiidada si fudud oo waafaqsan kitaabka iyo sunada, iyo manhajkii salafka saalixa ahaa.