×
Maqaal kooban oo ka hadlaya Tobanka Bisha Dulxijaha, iyo Ahmiyadeeda, Fadligeeda, Acmaasha mudan in lagu soo dhaweeyo ,iyo sida ilaahay koreeye u wayneeyay maalmahan.

    Tobanka maalmood ee bisha Dulxijah

    Af-Soomaali

    Waxaa qoray:

    Ustaad / Xasan Xirsi Cali

    —™

    عشرة ذي الحجة

    المؤلف:

    الأستاذ/ حسن حرسي على

    —™

    Maqaal kooban oo ka hadlaya Qiimaha Tobanka hore ee Bisha Xajka, waxayna ka hadlaysaa qodobadan:

    1- Maxaan kusoo dhawaynaa Tobanka bisha Dulxijah.

    2- Muhiimada ay leedahay Tobanka hore ee Dulxijah.

    3- Fadliga Camalka la sameeyo tobanka Dulxijah.

    Qiimaha Tobanka hore ee Bisha Xajka(dulxijah)

    Bismillah, Alxamdullilaah

    Deeqaha Ilaahay waxaa ka mid ah inuu ina siiyay waqtiyo gaar ah oo Daacadda la guto, khayrkana la badsado, laguna tartamo waxkasta oo Ilaahay loogu dhawaanayo. Qofka guulaystayna, waa ruuxa ka faa’daysta ee aanay hoos marin uun fursadahaas.

    Waqtiyadaa khayrka badan waxaa ka mid ah tobanka hore ee Bisha dulxijah ama bisha Xajka, Ilaahayna -koreeye- uu ku dhaartay Quraankiisa kariimka, Nabiguna -Sallallaahu Calayhi Wasalam- inoo sheegay inay yihiin maalmaha ugu fadliga badan aduunyada, dhaartaa Illaahay -koreeye- iyo boorintaa Nabiguna -Sallallaahu calayhi wasalam- waxay tusaale u tahay sida maalmahan u wayn yihiin.

    Maxaan kusoo dhawaynaa Tobanka Bisha Xajka

    Waxaa haboon qof kasta oo Muslim ah inuu soo dhaweeyo waqtiyada lagu gaar yeelay cibaadada guud ahaan, waxaana ka mid ah tobankan maalmood ee inagu soo food leh. Camalada/shaqada ugu mudan in lagu soo dhaweeyana waa:

    1-Towbad keen iyo soo noqosho dhab ah: Qofka kasta waa inuu waqtiyada cibaadada lagu gaar yeelay dhamaantood, kusoo dhaweeyaa towbad iyo in uu Ilaahay-koreeye- u soo noqdo.

    Tawbada waxa ku jira guusha qofka ee aduun iyo aakhiraba.

    (وتوبوا إلى الله جميعاً أيها المؤمنون لعلكم تفلحون) (النور:31)

    2-Dedaal dhaba si looga faa’idaysto maalmaha: Waa in ruuxa muslimka ah xoog ugu dedaalaa siduu ugu camiri lahaa cibaado maalmahan kooban, qofku waxa uu go’aansado ilaahay wuu ku kaalmeeyaa,isla markaana waxa uu u fududeeyaa sobobtii uu shaqadaa ku qaban lahaa. Niyada dhabta ah ayuu alena u dhabeeyaa.

    العنكبوت ‘’ والذين جاهدوا فينا لنهدينهم سبلنا’’

    3-Danbiga oo laga Fogaado: Sida ,haddii qofku ilaahay adeeco uu ugu dhawaanayo ayuu danbiguna ka fogeeyaa qofka ilaahay iyo naxariistiisa. Waxaa suurogal ah in qofka lagaga mamnuuco naxariista ilaahay danbi uu sameeyey sobobtiisa. Hadaad quud daraynayso danbidhaaf iyo naxariista ilaahay ka fogow danbiga maalmahan khayrka badan iyo dhamaan maalmaha kaleba. Hadii Qofku uu garanaayo waxa ku waajibay ,way u fududahay samaynteeduna. Ku dedaal walaalka muslinka ahow sidaad uga faaidaysan lahayd fursadan qaaliga ah.

    QIIMAHA TOBANKA DULXIJA

    1-ilaahay baa ku dhaaratay: Haddii ilaahay shay ku dhaarto waxay ku tusaysaa qiimahiisa iyo waynidiisa. ( وَالْفَجْرِ (1) وَلَيَالٍ عَشْرٍ )

    Sida culumada tafsiirku sheegeen,tobanka habeen waa tobanka dulxija.

    2-Maalmo la garanayo si loo xuso ilaahay:

    (ويذكروا اسم الله في أيام معلومات على ما رزقهم من بهيمة الأنعام [الحج:28]

    Culumada ugu waaweyn waxay isku raaceen inay maalmahaasi yihiin tobanka dulxija,waxaa ka mida Cumar iyo Ibnu Cabaas.

    3-Rasuulka ayaa ka markhaati kacay: Maalmahani inay ugu fadli badan yihiin maalamaha aduunka.

    فضل أيام الدنيا أيام العشر ـ يعني عشر ذي الحجة ـ قيل: ولا مثلهن في سبيل الله؟ قال : ولا مثلهن في سبيل الله إلا رجل عفر وجهه بالتراب [ رواه البزار ]وابن حبان وصححه الألباني

    4- Waxaa ku jiraa Maalinta Carafo: Waa maalinta Xajka weyn,Maalinta danbidhaafka iyo naar ka xoraynta. Haddii aanay tobanka dilxija jirin waxaa inagu filnaan lahaa fadliga maalinta Carafada.

    5-Waxaa ku jira Maalinta dhuundhowga: Waa maalinta ugu fadliga badan siday qabaan Culumada qaarkood.

    (أعظم الأيام عند الله يوم النحر، ثم يوم القر)[رواه أبو داود والنسائي وصححه الألباني

    5-Waxaa ku kulmay Hooyooyinka Cibaadada: ‘’Waxa ii muuqda waxay ay la gaar tahay Tobanka dulxija waxa ku kulmay Hooyooyinka cibaadooyinka sida:- salaada,soonka ,sadaqada iyo Xajka iyada uunbayna gaar ku tahay’’Xaafid Ibnu Xajar-Fatxiga-.

    Fadliga Camalka la sameeyo tobanka dulxija

    عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (ما من أيام العمل الصالح فيها أحب إلى الله من هذه الأيام ـ يعني أيام العشر ـ قالوا: يا رسول الله، ولا الجهاد في سبيل الله؟ قال: ولا الجهاد في سبيل الله، إلا رجل خرج بنفسه وماله ثم لم يرجع من ذلك بشيء) [رواه البخاري

    Camalkasta oo la sameeyo maalmahan waxuu ka fadli badan yahay maalmaha caadiga ah, waana la labolaabaa camalka. Sidaa daraadeed, camalkasta oo ilaahay jecelyahay wuu fadli badan yahay. Maalmahani camalkoodu waxay xataa ka fadli badan yihiin Mujaahidka aan lasoo noqon naftiisa iyo maalkiisaba.

    Haddii aad ogaatay fadliga tobankan maalmood,waqtigan cibaadada ku suntanna yahay badhaadhe,deeq ilaahay iyo fursad weyn oo ay haboon tahay in laga faa’daysto waxaa lagama maarmaan ah inaad ku dedaasho.

    Camalka haboon maalmahan in lagu dedaalo

    1-Gudashada Xajka iyo Cumradda: Waa labada ugu fadli badan maalmahan ninkii ilaahay karsiiyo, hadii uu sideeda u guto abaalkiisu waa jannada.Xajka mabruurka ah waa ka waafaqsan sunadii nabiga ee aan lahayn danbi,dhac dhac iyo istus tuska khatrka ah, camal wanaagsanina ka buuxo.

    2-Soonka: Wuxuu ku jiraa camalka wnaagsan waliba kuwooga ugu fadliga badan, ilaahayna naftiisa ayuu ku xidhiidhiyay qiimaha uu soonku leeyahay awgii.

    (كل عمل ابن آدم له إلا الصوم فإنه لي وأنا أجزي به) [متفق عليه]

    Nabigu wuxuu ku gaar yeelay maalmahan soonka in si gaar ah looga warhayo.

    (صيام يوم عرفة احتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله والتي بعده) [رواه مسلم].

    Sidaa daraadeed, waxaa sunne ah in la soomo maalinta sagaalaad ee bisha dilxija

    3-Salaaada: waxay ka mid tahay shaqooyinka ugu fadliga badan ee ugu waaweyn, sidaa daraadeed, waxaa ku waajiba qofkasta oo muslin inuu xafido waqtigeeda iyo jamaacadaba , sunayaasha oo la badiyo, waxay ka mid yihiin kuwa u wanaagsan ee ilaahay loogu dhawaado.

    (وما يزال عبدي يتقرب إلى بالنوافل حتى أحبه) [رواه البخاري]

    4-in la badiyo: Alahu akbar,Alxamdulilah,Laailaaha ila laah: Bukhaari waxa uu yiri Cumar iyo Abuubakar suuqa ayay maalmahaas u bixi jireen iyagoo leh, alahu akbar, alxamdulilaah walaa ilaaha ila laah.

    (ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر، فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد) [رواه أحمد].

    5-Sadaqadda: Waxay ka mid tahay camalada wan wanaagsan maalmahan khayrka badan, ilaahayna waa inagu tir tirsiiyay bixinta sadaqada.

    يا أيها الذين آمنوا أنفقوا مما رزقناكم من قبل أن يأتي يوم لا بيع فيه ولا خلة ولا شفاعة والكافرون هم الظالمون) [البقرة:254،

    Rabbi ha inaga yeelo kuwa ka Faa’idaysta maalmaaha kharka badan

    Qalinkii: Xasan Xirsi Cali