×
Soonka maalinta caashuuraa iyo fadliga uu leeyahay soonka maalintaas, iyo maalmaha kale ee la xidhiidha.

    صوم يوم عاشوراء

    Islamhouse.com


    Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo kussabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno.
    Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay

    afarta bilood ee loo yaqaan [..[الأشهر الحُرُم bilaha xurmada leh..sida Quraanka kuxusan Nabigana صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunnada.
    FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM, Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:

    ((أفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ ) رواه مسلم

    Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa
    soonka bisha Al-muharram…”Muslim ayaa soo saaray”.

    Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhexjirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA. MAALINTA CAASHUURAA: Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram
    MUNAASABADDA SOONKEEDA:
    Waa maalintii uu Allaah ka badbaadiyay NABI MUSSE (عليه السلام) iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.
    FADLIGA CASHURA: Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ Mar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay”


    عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ، فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله . رواه مسلم

    Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah

    hanoo dambi dhaafo amiin..

    MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:

    1-Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa,oo
    ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
    2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
    3-Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.

    WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY sanadkan:
    Maalinta 9aad: Axad 2/11/2014
    Maalinta 10aad: Isniin 3/11/2014
    Maalinta 11aad: Salaasa 4/44/2014


    FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-
    1-waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta caashuura,kudayasho lagu
    dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم
    2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa kaloo hortood soomay
    NABI MUUSE.

    3-waa maalin fadli wayn leh.

    4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la
    khilaafayo YUHUUDA, oo ayagana maalintaan soomi jirtay.

    5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW).

    Marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.



    6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1436 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka. Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa

    wanaagsan..aamiin aamiin aammiin.

    hadaba Maadaama uu cimrigu yahay mid dhamaanaya, Aakhirana ay naga sugeyso camal suuban, aduunyadiina dambi badatay, soo ma qumana inaan ka faa’iidaysano fursadaha yaryar ee laakiin Dambi dhaafka weyn lagu helayo.
    Nabiga(NNKH) wuxuu yiri: Midka Caqliga badani waa kan naftiisa eedeeya ee aan is dhigan, mid Caajislowga ahna waa midka ilaahay meel cidla ah kutala saarta oo aan wax shaqo ah la imaanin.
    Naga saari mayso kaliya, Ilaahay waa Naxariis badan yahay hadaynan la iman dambi dhaaf iyo Orod, sida aduunyaduba aysan ugu iman XAGLO LAABAN.

    Wabillaahi Tawfiif Wassamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
    ALLE SW SAREEYE KELIGIIS BAY MAHAD DHAMAANTEED ﷻ‬ SUGNAATAY.