×
Su’aal : qofka lagu leeyahay soonka ramadaan ma soomi karaa soon kale oo sune ah?

    بسم الله الرحمن الرحيم

    SU' AAL KU SAABSAN MAALINTA CASHUURA

    SU'AAL : hadii la igu leeyahay maalmo ka mid ah soonkii bishii ramadaan, ma soomi karaa maalinta caashuura ama carafo ama soon kale oo sune ah?

    JAWAAB: qofka hadii lagu leeyahay soon faral ah waxaa la rabaa in uu ka horaysiiyo qallihiisa (gudidiisa) soon kasta oo sune ah, sidaa awgeed waa in uu ku bilaabaa soonka qallaha ah si uu waajibkii saarnaa iska dhamaystiro.

    Hadaba hadii ay isku hagaagaan qallihii uu soomayay iyo soonka maalin kale oo sune ah sida carafo ama caashuuraa, tusaale ahaan isaga oo qallaynaya soonkii ramadaan ayaa waxa ay ku soo hagaagtay maalinta caashuuraa ama carafo la soomayay, isla markaana waxa uu doonay in uu niyoodo labadaba, culimadu waxa ay yidhaahdeen soonkaa waa kii qallaha ahaa, islamar ahaantaana waxaa loo rajaynayaa in uu helo ajarkii maalintaasi kale lahayd soonkeedu, maadaama uu niyooday labadaba