×
Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub

Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub

waxaa diyaariyey

Maxamed Al-shihri

1441- 2020

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro)

HORDHAC

intaa kadib:

Ilaahay wuxuu karaameeyay bani aadamka wuuna ka koryeelay in badan oo kamida uunkiisa, isaga oo ilaahay cadaynaya midaas wuxuu yiri: {Waxaa xaqiiq ah inaanu sharrafnay Binii Aadamka}



wuxuu leeyahay magacyo Suuban, iyo tilmaamo ama sifaad koreeya, taasoo uu u sugay naftiisa, Nabiguna-sallallaahu calayhi wasalam- u sugay, waxayna gaartay halka ugu sareysa ee dhamaystirka iyo wanaaga, Mana jiro wax lamid ahi, waana maqal badane arkana wax walba.

Ar-Raxmaan: Waa Allaha u saaxiibka ah naxariista ballaaran, ee deeqday wax walba.

Al-Qadiir: Waa Allaha leh awood dhammaystiran, oo aanay haleelin caajis iyo daal midna.

Al-Malik: Waa midka lagu tilmaamo sifooyinka weynaanta, qasbida, iyo maaraynta, ee hanta wax kasta, sida u doonana u maamula.

Al-samiic: Waa Allaha leh maqal uu ku koobo wax walba oo la maqlo, hoos ha loo qarsado ama ha lagu dhawaaqee.

As-salaam: waa kan ka nabad galay wax kasta oo nuqsaan ah, dhaawac iyo ceeb ah.

Al-Basiir: waa kan araggiisu koobay wax walba, haba noqdo waxan bili'aadamku dheehan karine, waan amid u leh khibrad garasho iyo khibrad wixii qarsoon.

Al-Wakiil: waa Allha damaanad qaaday quudka khalqigiisa, ee daryeela arimahooda, inta Awliyadiis ahna ugargaara, oo u fududeeya arrimahooda.

Al-khaaliq: waa midka bilaabay abuurka, cid uga horumartayna jirin isaga hortii.

Al-Ladiif: Waa maamuusa addoomihiisa, ee u naxariista, siiyana codsiyadooda.

Al-Kaafii: Waa kufilnaha addoomihiisa wax walba oo ay u baahan yihiin, ee lagaga deeqtoomo kaalmadiisa cid walba oo kasoo haray.

Al-Qafuur: waa Dambi dhaaf badane ka ilaaliya addoomihiisa sharka dambiyadooda, mana ku ciqaabo danbigaa uu u dhaafay.

Ruuxa muslimka ahi waa mid ka fikira cajaa'ibta ku duugan abuurka Eebe, iyo sida uu u daryeelay inta uu abuuray, yar iyo waynba, uguna fududeeyay helitaanka quudkooda, Ilaahaas ayaa xumaan oo dhan ka nasahan, Allaha leh tudhaalaha iyo dhibrinta, naxariistiisuna hormuud u tahay inuu u fududeeyo qaab nololeedkooda, waliba iyagoo ah kuwo tabar yar.

Nabigaygu waa Muxamed scw-



NABI MUXAMMED WAA NAXARIIS IYO RAXMAD HADIYAD AH

Muxamed bini cabdilaahi -sallallaahu calayhi wasalam- waa midkii ugu danbeeyay nabiyada iyo rusushaba, Ilaahayna-koreeye- wuxuu la soodiray diinta islaamka una diray dadkoo dhan si uu ugu tusmeeyeo khayrka, oo ugu wayn yahay towxiidku, sharkana wuu kareebi uuna ugu waynyahay shirkigu,

Risaaladiisu/fariintiisa isaga iyo anbiyadii kahoreeyay soo xambaareena waa inay ugu yeeraan makhluuqaadka in ilaahay -koreeye- la caabudo keligii, cidna aan la agdhigin.

Quraanka Kariimka ahi waa hadalka rabigay

Quraanka Kariimka ahi waa hadalka ilaahay-koreeye- uuna kusoo dajiyay Nabi Muxammed -sallallaahu calayhi wasalam- si uu dadka uga saaro mugdiyada una bixiyo nuurka, oo uu ku hanuuniyo jidka toosan.

qofkii akhriya wuxuu heli ajar wayn, haduu kucamal falana wuxuu raacay jidkii toosnaa

WAXAAN BARANAYNAA TIIRARKA ISLAAMKA

Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi: (Waxaa lagu dhisay Diinta lslaamka Shan Tiir: Qiridda inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee, Nebi Muxammedna Rasuulkii Alla yahay, Oogidda Salaadda, Bixinta Sakada, Soomidda Bisha Ramadaan, Gudashada Xajka).

TIIRKA KOOWAAD: waa Qiritaanka inaad qirtid inuusan jirin ilaah-xaq lagu caabudo- Allaah mooyee, Mmuxamedna uu yahay rasuulka ilaahay.

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ogow oo qir inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee} [suurada muxamed 19].

macnaha shahaadada (SHADAADATU AN LAA ILAAH ILLA LLAAHU) waa qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lugu caabudo Allaah mooyaane.



salaada oogisteedu waa in loola yimaadaa siduu ilaahay-koreeye- u jideeyay rasuulkuna Muxamedna- sallaalahu calayhi wasalm- uu noobaray.

TIIRKA SADEXAAD: BIXINTA SAKADA

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: [Sakada bixiya] [Suurada Al-baqara 110]

waxayna ku waajibtaa maalka markuu gaaro qadar go'an, taasoo la siinayo sideed kooxood oo quraanka lugu sheegay, oo ay ka mid yihiin Faqiirka iyo Miskiinku.

Bixinta zakaduna waxay tilmaan u tahay naxariista io dabacsanaanta ruuxa muslimka ah, sidoo kale waxay nadiifisaa maalkiisa, dadka baahana way raali galisaa, iyadoo xoojisa xariga walaalnimada iyo isjacaylka dhex yaala mujtamaca muslimka, sidaa darteed ayuu ruuxa muslimka ah bixinayaa isagoo naftiisa uga raali ah kuna faraxsan sida uu kaalmada ugu gaystay mujtamacaas kale.

zakada Maalka qadarkeedu waa 2.5%, waxayna ku waajibtay: Dahabka iyo Fidada, Lacagta,iyo Badeecada laga ganacsado, marka uu sanad ka soo wareego ee ay gaadho xaddi go'an.

sidoo kale zakada waxay ka waajibtaa xoolaha nool ee nicmoolayda ah sida (geela, lo'da, ariga), waana marka ay tahay mid daaqda oo calfata wixii dhulka kasoo baxa, sanadka intiisa badan, ruuxa lihina uuna gacantiisana ku quudin.

sidoo kale waxay ka waajibtaa waxa kasoobaxa dhulka sida Baddarka, Miraha, Macdanta, markay gaarto qadar go'an.

TIIRKA AFRAAD: SOONKA BISHA RAMADAAN

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Salaaddana ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa}. [suurada al-baqara 110].

Ramadaanku waa bisha sagaalaad ee sanadka hijriga ah, waana bil muslimiinta kuwayn agtooda, bilaha kalena way ka duwan tahay, in lasoomo bishaasna waa tiir ka mida shanta tiir ee islaamka.

Macaha soonka bisha ramadaan waa: inuu ilaahay dartii uga afxirto cuntada iyo cabitaanka iyo galmada, iyo wixii kale ee afuriya ruuxa, laga bilaabo aadaanka salaada fajar ilaa qorax dhaca, bisha dhamaanteedba.

TIIRKA SHANAAD: XAJKA BAYT/GURIGA ILAAHAY EE LA XURMEEYAY

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada} [suurada Aali-cimraan, aayada 97] Xajka waxaa lugu leeyahay ruuxii awooda, waana halmar intuu noolyahay, taasoo macnihiisu yahay: in ruuxu u baqoolo baydka xurmada leh iyo meelaha mashaacirta muqadaska ah, kuna yaala Makka Almukaramah, si uu halkaa ugu guto cibaado leh timaamo iyo wakhti u gaar ah. Nabi muxamed iyo Nabiyadii ka horeeyayna--calayhimu salaatu wasalaam- way xajiyeen, ilaahaybaana-koreeye- ku amray Nabi ibraahiim inuu dadka ugu yeero xajka, sida u ka waran quraanka kariimka ah. {Ogaysiina Dadka Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman Jaha kasta oo Dheer}. [suurada al-xaj, aayada-27]

BARASHADA ARKAANTA IIMAANKA:




iyo in xubnaha laga sameeyoo, sida salaada, xajka, soonka, iyo xubnaha dahsoon ee laxiriira qalbiga sida jeceelka ilaahay iyo cabsidiisa, talosaarashada cibaado oo dhana ikhlaas uga dhigo/mid aanu cid kale la wadaajin.

xeeldheerayaasha cilmiguna waxay iimaanka ku qeexeen: qalbiga oo laga aamino, odhaah ahaana loogaga dhawaaqo carabka, xubnuhuna ku camal falaan, waana mid ku kordha daacaadka Ilaahay, macsidiisana ku naaqusaa ama daciifa.



iimaanka ilaahay larumeeyo wuxuu ku qotamaa: in ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimadiisa, Rabbinimadiisa, Magacagdiisa iyo Tilmaamaha uu leeyahayba, waana mid koobsanaysa:

Rumaynta jiritaan Illaahay -koree oo nasahnaaye-

in la rumeeyo rabinimadda ilaahay-koreeye-, iyo inuu yahay Allaha hanta wax walba ee abuuray, quudiyay, arimahoodana maamula

in la rumeeyo ilaahnimada Allaah, iyo inuu yahay midka kaligiis mutaystay cibaadada, cidna aan lala wadaajinayn cibaadadaas, sida salaada, ducada, nidarka, gawraca, kaalmaysiga, magangalyada, iyo cibaadaadka oo dhanba,

in la rumeeyo Magacyadiisa quruxda badan iyo Tilmaamihiisa Sarreeya ee uu Naftiisa u sugay ama Nabigiisu - Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u sugay, lagana reebo oo nasaho wixii uu naftiisa ka reebay ama Nebigu - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee - u diday in lagu timlaamo, Taasi waxay ku tusinaysaa in Magacyadiisa iyo Sifooyinkiisu gaareen halka ugu saraysa dhamaystir iyo wanaag, mana jirto cid lala simo Allaah, waana Allaha maqla ha arka na wax walba.

TIIRKA LABAAD: Rumaynta Malaa'igta



waana khalqi(la abuure) aad u wayn, ilaahay kaliya ayaa garanaya awoodooda iyo tiradooda, mid walba oo malaa'iktaas kamida wuxuu leeyahay timlaamo iyo magacyo iyo shaqo u gaar ah, sida: Malaku Jibriil oo u xilsaaran soo dajinta waxyiga rabi, gaadhsiinayana rusushiisa.

TIIRAKA SADEXAAD: RUMAYNTA KUTUBTA




Kutubta samada laga soodajiyay ee Eebbe weyne ku sheegay kitaabkiisa waa:

Quraanka Kariimka, oo ilaahay kusoo dajiyay Nabigiisa Muxamed -sallallaahu calayhi wasalam-.

Sabuur: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Daa'uud-calayhi salaam-

TIIRKA AFRAAD: RUMAYNTA RUSUSHA

Rumayn go'an, oo adag ee ah: in Ilaahay koreeye ummad kasta u soo diray Rasuul ugu baaqaya ciibaadadda illaahay keligiis, oo aan lahayn cid la wadaagta, iyo inay ka gaaloobaan waxa la caabudo isaga ka sokow.

In dhammaan Rusushaasi yihiin dad aadame ah, rag, addoommo Eebbe, runsheeg, la rumaysto, Alla kacabsi leh, aamin ah, hanuunsan, watayna mucjisooyin tusinaya runnimadooda, isla markaana ay guteen waajibkii dacwada, Dhammaantoodna waxay ku sugnaayeen xaq cad iyo hanuun iska cad.

Rusushaas Baaqooda iyo dacwadooduba waxay ka sinaayen Tawxiidka ilaahay -koreeye- oo ah in ilaahay kaligii la caabudo, waxna lala wadaajin cibaadadiisa.

TIIRA SHANAAD; RUMAYNTA MAALINTA DAMBE(QIYAAMAHA).

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Allaah, mana jiro isaga mooyee ilaah kale, wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe odhaah ahaan, (ma jiro}. [suurada al-nisaa aayada 87]

in la rumeeyo rumayn go'an oo aad u adag, kuna aaddan wax kasta oo la xiriira Maalinta Aakhiro, oo ah wuxuu ilaahay kusheegay Kitaabkiisa sharafta leh, ama Nabigeenna Muxammad sallallaahu calahui wasalam- uu nooga warramay Sida geerida aadanaha, soobixinta, shafaacadda, miizaanka, xisaabta, jannada iyo naarta, iyo waxyaabo kale oo la xiriira maalinta aakhiro.

TIIRKA LIXAAD: RUMAYNTA QADARKA KHAYRKIISA IYO SHARKIISA

Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Wax kasta waxaan ku abuurray qadar aan qadarnay}. [suurada al-qamar 49]

Aaminaadda ah in wax kasta oo ku dhaca makhluuqyada adduunkan ay ku jirto aqoonta iyo qaddarka Eebbe weyne iyo qorshihiisa oo keliya oo aan lahayn ruux lawadaaga.iyo in qaddarintani la qoray kahor abuuritaanka aadanaha, iyo in ninku leeyahay rabitaan, iyo inuu isagu yahay kan sameeya ficilladiisa; Laakiin waxaas oo dhami kama foga aqoonta, doonista Eebbe.

Rumaynta qaddarka waxay ku salaysan tahay afar heer:

Midda labaad: Rumaynta qorista ilaahay ee uu qoray wax kasta oo jiri doona ilaa qiyaamaha.

Midda saddexaad: Rumaynta doonista Eebbe iyo awoodiisa dhammaystiran ee fusha, markaa wax kasta oo uu doono wuu ahaan, waxa aanu doonaynna ma dhacaan.

Tan afaraad: Rumaynta in ilaahay uu yahay wax kasta midka Abuuray, oo uusan cidna wax la wadaagin abuurkiisa.

barashda waysaqaadka




Rasuulka Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi; (Qofkii si fiican u waysaysta, dambigiisa ayaa jidhkiisa laga saaraa).

Markaa addoonka wuxuu qaabilaa Rabbigiis isagoo isku daahiriyay biyo, ama daahir ka ah xaga akhlaaqda isagoo cibaadadaas u samaynaya ikhlaas, iyo raacitaanka hanuunkii Nabiga - salaadda Ilaahay iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

Waxa ay tahay in loo waysaqaato:

1- Salaaddaha gabi ahaanba, haddii ay tahay mid waajib ah iyo mid sunna ah.

2- Dawaafka Kacbada.

waxaan ku waysaysan kuna qubaysan biyo daahir ah:

Biyaha ldaahirka ah waa: biyo kasta oo cirka ka soo dega ama dhulka ka soo burqada oo ku sii jira asalkiisa, oo aan saddexdii astaamood midkoodna is beddelin, kuwaas oo kala ah: midabka, dhadhanka iyo urka: ooka mid ah waxyaalaha kaqaada daahirka biyaha.

Tallaabada 1: Ujeeddadu waa qalbiga, macnaha ula jeeddkuna waa in ay ka go'aantahay qalbiga inuu cibaadada u sameeyo si uu ugu dhowaado Ilaahay.

Tallaabada 2: Gacmaha oo la dhaqo.

Tallaabada 3: luqluqasho.

luqluqashda waa: in afka la geliyo biyo, oo lagu dhexdhaqaajiyo, kadibna la soo bixiyo.

Tallaabada 4: Sandaarsi.

Sandaasigu: Waa in biyaha neefta la raaciyo ilaa sanka meesha ugu fog lagaarsiiyo.

istinthaar: Waa in waxa ku jira sanka sida duufka iyo waxyaabo kale oo neefta lasoo raaciyo.

Soohdinta wejiga:

Caddaankuna waa: inta u dhexaysa alcadaar iyo dhegta.

al cadaar waa: timaha ku yaal lafta soo -taagan, oo kubeegan-dhagta daloolkeeda ilaa madaxa gudihiisa iyo waxa ka soo dega dhegta.

Sidoo kale, dhaqidda wejiga waxaa ku jira dhammaan qaybta muuqata ee timaha qaro weynka ah ee gadhka, oo ay weheliso waxa ka dheeraaday.

Tallaabada 6: Gacmaha oo la dhaqo, laga bilaabo faraha foodooda ilaa xusullada.

Suxullada waxay ka mid yihiin gacmaha oo ay waajib tahay in la dhaqo.

Tallaabada 7: Madaxa oo dhan ku masax labada gacmood iyo dhegaha hal mar.

Wuxuu ka bilaabayaa xagga hore ee madaxiisa, isagoo u wareejinaya xagga dambe ee madaxiisa ka dibna dib ayuu u celinayaa.

farfiiqda ayuu dhegihiisa gelinayaa.

suulasha faraha ayuu dhegihiisa dibadeeda ku masaxayaa, iyo bannaanka iyo gudaha dhegta.

Tallaabada 8aad: Dhaqista cagaha laga bilaabo suulasha ilaa anqawyada, anqawyadu waxay ku jiraan dhaqitaanka waajibka ah ee cagaha.

Cidhibtiisu waa labada lafood ee kamuuqda dhudhunka hoose.

waxyaalaha waysada buriya:

1. waxyaabaha Kasoo baxa labada wado, sida kaadida, saxarada, hawada, shahwada, iyo wadida.

2 Maskaxda ama oo ku baxa hurdo, suuxdin, sarkhaanimo, ama waalli.

3 Wax kasta oo waajibiya qubays, sida janaabada, dhiiga caadada, iyo kan dhalmada kadib.

Haddii uu qofku guto xaajadiisa, waxaa waajib ah inuu nijaasta iskaga daahiriyo biyo, waana mida ugu fiican. iyo Biyo waxaa ahayn ee wax nadiifiya, sida dhagxaanta, caleemaha, maryaha, iyo wixii la mid ah sharti Waa inuu yuhay saddex masax oo daahirinta ah ama ka badan, iyo wax daahir ah oo la oggol yahay.

masaxaada sharabaadka

Xaaladda la xiranayo khufaynka ama sharabaadada, waxaa suurtogal ah in lagu dul masaxo iyaga oo aan u baahnayn in lugaha la dhaqo, iyadoo la raacayo shuruudaha soo socda:

1. In la xidho ka dib markii si buuxda looga daahiriyo nijaasta yar iyo nijaasta weyn, oo cagaha lagu maydhay.

2 Si aad u noqoto mid nadiif ah oo aan nadiif ahayn.

3 Masaxaadu waa inuu ahaadaa mudada cayiman.

4 waa inay yihiin xalaal ah, tusaale ahaan, inaysan ahayn kuwa lasooxaday ama la xoogay.

Khufaynku waa: maqaar khafiif ah oo lugaha lagu xidho iyo wax la mid ah, iyo kabo daboolaya cagaha.

ALjowrabaan waa: maro uu qofku cagaha ku xidho iyo wax la mid ah, oo loo yaqaan (Sharabaad).

Xikmada kujirta in la masaxo khufaynka:

Xikmaddu waa in la fududeeyo oo loo yasiro dadka muslimiinta ah, oo ay ku adag tahay inay iska siibtaan kabaha ama sharaabaadaha oo ay cagaha dhaqdaan, gaar ahaan xilliyada jiilaalka iyo qabowga daran, iyo marka la safrayo.

Muddada masaxaada:

Qofka Degan aanan safrin: habeen iyo maalin (24 saacadood).

Qofka Socdaalka ah: Saddex maalmood iyo habeen (72 saacadood).

Xisaabinta muddada masaxaada waxay ka bilaabantaa masaxaadii ugu horreysa ee sharaabaadyada ka dib xadathka.

Sharaxaadda sifada loo masaxo sharabaadyada:

1. Gacmaha in laqooyo.

2 In Gacanta lamariyo cagta qaybta sare (laga bilaabo cagaha faraha ilaa bilawga dhudhunka).

3 Cagta midig ku masax gacanta midig iyo bidixda bidix.

waxyaabha buriya masaxaada:

1- waxayaabaha waajibiya qubayska.

2- mudadii oo ay dhamaato.

Qubayska:

Haddii ninka ama hawaynta ay galmo sameeyaan, ama shahwaddu ay kagasoo baxdo soo jeed ama hurdo; Waxaa ku waajib ah inay sameeyaan qubays si ay u gutaan salaadda ama waxa lagama maarmaanka u ah inay daahirsadaan. Sidoo kale, haddii haweeneydu ka daahirto caadada iyo dhiiga dhalmada ka dib, waa inay samaysaa qubays ka hor inta aysan tukan salaadda ama waxa daahirnimid ubaahan ee lagama maarmaanka u ah inuu sameeyo.

Qaabka loo qubaysto waa sida soo socota:

In qofka muslimka ahi jidhkiisa oo dhan biyo ku wareejiyo si kasta oo ay tahayba, oo ay ka mid tahay luqluqashada afka iyo sandaarista sidaasna wuxuu ku zuulay xadathkii waynaa, wuuna daahirmay.

Qofka janaabada qaba waxaa ka reebban inuu sameeyo waxyaabaha soo socda ilaa uu qubaysanayo:

01 Salaadda.

02- Dawaafka Kacbada.

03 kunagaashaha masajidka, waxaana banaan inuu gudbo oo kaliya isagoo aan kunagaanaynin.

04- Taabashada kitaabka Qur'aanka Kariimka ah.

05 Akhrinta Qur'aanka.

Gabgabaysi

Haddii qofka muslimka ah uusan helin biyo uu isku daahiriyo ama uusan awoodin inuu u isticmaalo biyaha xanuun iyo wax la mid ah, oo uu ka baqayo inuu waayo waqtiga salaadda, markaas waa inuu ku sameeyaa Tayammum ciida kusameeyo.

sifada gabgabaysigu waa inuu hal mar ku dhufto gacmihiisa dhulka, kadibna ku masaxayo wejiga iyo gacmihiisa oo kaliya. Ciidda waxaa laga rabaa inay daahir noqoto.

waxyaalaha Gabgabaysiga buriya:

1- Gabgabaysiga waxaa buriya waxa buriya waysada.

2- Haddii biyo helo ka hor intaadan bilaabin cibaadada loo tayammumay.

Ilaahay wuxuu ku faradyeelay qofka muslimka ah shan salaadood maalin iyo habeenba, kuwaas oo kala ah: Fajar, Dhuhur, Casar, Magrib iyo cisha.

Waxaan isu diyaarin salaadda

Marka la gaaro waqtigii salaadda, qofka muslimka ahi wuxuu iska daahirin doonaa xadathka yar iyo mida weyn, haddii ay tahay xadathka weyn.

Xadathka weyni waa: waxa ku waajibiya oo u keena qofka muslimka ah inuu qubaysto.

Xadathka yari waa: kan ku waajibiya oo u keena qofka muslimka ah inuu waysaysto.

Qofka muslimka ah wuxuu ku tukanayaa dhar nadiif ah, meel nadiif ah oo aan najaaso lahayn, isagoo daboolaya xubintiisa gaarka ah.

Qofka muslimka ah marka uu salaadda tukanayo wuxuu isku qurxiyaa dhar ku habboon oo jidhkiisa ku daboolaa, mana bannaana in ninku inta salaadda lagu jiro uu muujiyo inta u dhexeesa xuddunta iyo jilibka.

Haweeneydu waa in ay jidhkeeda oo dhan ku dabooshaa salaadda, marka laga reebo wejiga iyo gacmaha.

Qofka muslimka ahi kuma hadlo salaadda ereyada u gaarka ah mooyee, wuuna dhegaysan imaamka, oo aanu soo jeesan inta lagu jiro salaadda. Haddii uusan awoodin inuu xifdiyo weedhaha la xiriira salaadda, markaas wuxuu xusayaa Ilaahay oo u tasbiixsanayaa ilaa uu ka dhammaysto salaadda, waana inuu ku dadaalaa inuu barto salaadda iyo oraahdeeda.

waxaan baran salaada

Tallaabada 1: niyada salaadda waajibka ah ee aan rabo inaan tukado, meesheeduna waa qalbiga.

Ka dib markaan soo waysaysto, waxaan wajahaa qiblada, oo waxaan tukanayaa anigoo taagan haddii aan awoodo inaan sameeyo.

Tallaabada 2aad: Waxaan gacmaha kor u taagayaa ilaa garbaha oo waxaana leeyahay:Allaahu akbar (Eebbaa Weyn) anigoo niyeesanayo inaan galo salaadda.




waxaan Akhri faatixada kadib wixii ii fududaado Qur'aanka rakcada koowaad iyo tan labaad salaad kasta, tanina waajib ma aha, laakiin marka la sameeyo wuxuu heli ajar weyn.

Tallaabada 6: Waxaan leeyahay: (Allaahu Akbar) ka dibna waana rukuucayaa ilaa dhabarkaygu uu fidsanaado gacmaheyguna jilbaha ii saaran yihiin oo faraha la kala qaaday, markaasna idhaahdo anigoo rukuucsan: (Subxaana Rabiyal cadiim).

Tallaabada 7: Waxaan kasoo kacayaa rukuucda, anigoo leh: (Samicalaahu liman xamidah) Eebbe wuu maqlaa kii ammaanaa, gacmahayga ayaan kor u qaadaa ilaa garbaha, haddii jidhkaygu toosnaado anigoo taagan, waxaan oran: (Rabanaa walakal xamdu) Eebbow adaa mahad leh.

Tallaabada 8: waxaan leeyahay: (Allahu akbar) Eebbe weyne oo ku sujuuda gacmaha, jilbaha, cagaha, foodda iyo sanka, waxaanan ku leeyahay sujuuddayda: (Subxaana Rabiyal aclaaa) waxaa xumaan kanazahan ilaahayga sareeya.

Tallaabada 9aad: Waxaan leeyahay: (Allahu akbar) Eebbaa ka Weyn wax walba oo ka soo kacayaa sujuudda ilaa dhabarka uu toosnaado, oo ku farariisano lugta bidix taagayana lugta midig, oranayana: (Rabigfirlii) Eebbow, ii dambi dhaaf.

Tallaabada 10: waxaan leeyahay: (Allahu akbar) oo haddana u sujuudi sidii sujuuddii hore oo kale.

Tallaabada 11: Waxaan ka soo kacayaa sujuudda, anigoo leh: (Allahu akbar) ilaa aan toos u istaago, oo aan sameeyo rakcada salaadda inta ka hartay sidii aan ku sameeyay rakcaddii hore oo kale.



Tallaabada 12: Intaas ka dib dhinaca midig ayaan ujeedin wajiga oo oran (as-salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) ka dibna ujeedsan dhinaca bidix waxaan idhi: (as-salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) anigoo niyeesan inaan salaadda ka baxayo, intaasna salaaddii baan igu dhamaatay.

Xijaabka haweenayda muslimka ah



Gabadha muslimadda ah ee dharkeeda xidhan waxay dhawrtaa xeerar dhowr ah:

Midda hore: waa inuu wadaqariyaa jidhka oo dhan.

Midda labaad: Waa inaysan u xidhsn isku qurxin uun.

Saddexaad: Waa inuusan noqon miid jilicsan oo muujinaya jirkeeda.

Ta afaraad: Waa inuu yahay dharka mid waasic ah oon cidhiidhi ahayn oona muujin wax jidhkeeda ka mid ah.

Waxaa ka mid ah sifooyinka mu'minka

Waa runloow oo been ma sheego.

Oofiya cahdiga iyo ballamaha.

Kuma hadlo wax xun doodiisa.

Wuxuu gutaa amaanada.

Wuxuu la jecel yahay walaalkiis muslimka ah waxa uu naftiisa la jecel yahay.

waa Deeqsi

Wuxuu ku qanacsan yahay qaddarka Eebbe, wuxuu u mahad naqayaa wakhtiyada barwaaqada, wuxuuna u sabraa waqtiyada dhibaatada.

xishood ayuu ku tilmaamanyahay.

Qalbigiisu waa ka madhan yahay xasadnimo, xubnihiisuna waa ka madhan yihiin gardarrada dadka kale.

dadka ayuu iska cafiyaa.

Ribada ma cuno mana kashaqeesto.

mana zinaysto.

khamrigana ma cabo.

wuxuu u ixsaan sameeyaa dariskiisa.

ma dulmiyo qofna mana dhagro.

waxba maxado mana dhagro.

labadiisa waalid wuu ubaari noqdaa, haba ahaadeen gaalo, wixii wanaag ahna wuu ku adeecaa,

caruurtiisana wuxuu kutarbiyeeyaa wanaag kasta, waajibaatka ayuu faraa, xumaantana iyo xaaraanta wuu kareebaa.

- Kuma dayato ficillada dadka aan muslimka ahayn ee ku sifooba caadooyinkoodadiimeed ee u noqday astaanta iyaga.




Ilaaha Qaadirka ah wuxuu koonkaan inoogu abuuray xikmad weyn mana uusan noo abuurin si aan micne lahayn; Waa isaga oo kaligiis caabudaya lammaane, wuxuuna noo sharciyeeyay diin rabbaani ah oo dhammaystiran oo nidaamisa dhammaan arrimaha nolosheenna gaarka ah iyo tan guud, sharcigan xaqa ah, wuxuu ilaaliyaa baahiyaha nolosha. Waa diinteenna, nafteenna, sharafteenna, maskaxdeenna, iyo lacagteenna, iyo qof kasta oo ku nool si waafaqsan awaamiirta sharciga ah oo ka fogaada xaaraanta wuxuu dhawray waxyaabahaas daruuriga ah wuxuuna ku noolaa farxad iyo nabad noloshiisa shaki la'aan.

Xiriirkaan weyn waa xaalad qiiro leh oo u horseedaysa ku raaxaysiga cibaadada Raxmaanka, u hamuun qabta la kulankiisa, oo qalbigiisa uduula samada farxad darteed isagoo la dareemayo macaanka iimaanka.

Haa, haddii qofku dareemo joogitaankiisa joogtada ah ee Abuuraha hortiisa, oo barta Magacyada iyo Sifooyinka ilaahay ee Quruxda badan, u caabuda sidii isagoo arka, daacadna ka ah cibaadadiisa Eebbe, oo Ilaaha Qaadirka ah oo keliya ula qasda, wuxuu ku noolaan doonaa nolol wanaagsan oo farxad leh adduun iyo natiijo wanaagsan aakhiro.

Xataa balaayooyinka ku dhaca mu'minka adduunkan, kulaylkooda waxaa ka saara qabowga hubaal iyo yaqiin, iyo ku qanacsanaanta qaddarka Eebbe, iyo ammaantiisa dhammaan qaddarkiisa, samaan iyo xumaanba, iyo ku qanacsanaanta arintaas si buuxda.



ilaahay ha amaano nabi muxamed scw iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa oo dhan.

way dhamaystirantay risaaladan

Tusmada Mowduucyada

Tirada

Mowduuca

Bogga/Xaashida

dib umilicsigiisa bogga-sare

i tus tusmada mowduucyada

nala wadaag khibradda aad kitaabka ka heshay

soo booqo mareegaha internetka

kitaab lagu isticmaali karo mobile ka

guji oo riix sidaad ugu gudubto mowduuca

guji suurada sidaad ugu laabato jildiga hore

ka gal baarkoodka

barogiraamka Pawor Point, ee bandhigyada loo adeegsado

Qalabka Mashruuca

buug daabacan

kitaab lagu isticmaali karo mobile ka

mareegaha interneet

barogiraamka Pawor Point, ee bandhigyada loo adeegsado

Nuqul loogu talagalay moobeelada casriga





















Kitaab gaaban oo faa'iida u leh Muslimka diinta ku cusub

HORDHAC

wuxuu leeyahay magacyo Suuban, iyo tilmaamo ama sifaad koreeya, taasoo uu u sugay naftiisa, Nabiguna-sallallaahu calayhi wasalam- u sugay, waxayna gaartay halka ugu sareysa ee dhamaystirka iyo wanaaga, Mana jiro wax lamid ahi, waana maqal badane arkana wax walba.

Al-samiic: Waa Allaha leh maqal uu ku koobo wax walba oo la maqlo, hoos ha loo qarsado ama ha lagu dhawaaqee.

Risaaladiisu/fariintiisa isaga iyo anbiyadii kahoreeyay soo xambaareena waa inay ugu yeeraan makhluuqaadka in ilaahay -koreeye- la caabudo keligii, cidna aan la agdhigin.

Quraanka Kariimka ahi waa hadalka rabigay

TIIRKA SADEXAAD: BIXINTA SAKADA

Bixinta zakaduna waxay tilmaan u tahay naxariista io dabacsanaanta ruuxa muslimka ah, sidoo kale waxay nadiifisaa maalkiisa, dadka baahana way raali galisaa, iyadoo xoojisa xariga walaalnimada iyo isjacaylka dhex yaala mujtamaca muslimka, sidaa darteed ayuu ruuxa muslimka ah bixinayaa isagoo naftiisa uga raali ah kuna faraxsan sida uu kaalmada ugu gaystay mujtamacaas kale.

sidoo kale zakada waxay ka waajibtaa xoolaha nool ee nicmoolayda ah sida (geela, lo'da, ariga), waana marka ay tahay mid daaqda oo calfata wixii dhulka kasoo baxa, sanadka intiisa badan, ruuxa lihina uuna gacantiisana ku quudin.

TIIRKA AFRAAD: SOONKA BISHA RAMADAAN

TIIRKA SHANAAD: XAJKA BAYT/GURIGA ILAAHAY EE LA XURMEEYAY

xeeldheerayaasha cilmiguna waxay iimaanka ku qeexeen: qalbiga oo laga aamino, odhaah ahaana loogaga dhawaaqo carabka, xubnuhuna ku camal falaan, waana mid ku kordha daacaadka Ilaahay, macsidiisana ku naaqusaa ama daciifa.

Quraanka Kariimka, oo ilaahay kusoo dajiyay Nabigiisa Muxamed -sallallaahu calayhi wasalam-.

Sabuur: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Daa'uud-calayhi salaam-

TIIRA SHANAAD; RUMAYNTA MAALINTA DAMBE(QIYAAMAHA).

TIIRKA LIXAAD: RUMAYNTA QADARKA KHAYRKIISA IYO SHARKIISA

2- Dawaafka Kacbada.

Biyaha ldaahirka ah waa: biyo kasta oo cirka ka soo dega ama dhulka ka soo burqada oo ku sii jira asalkiisa, oo aan saddexdii astaamood midkoodna is beddelin, kuwaas oo kala ah: midabka, dhadhanka iyo urka: ooka mid ah waxyaalaha kaqaada daahirka biyaha.

istinthaar: Waa in waxa ku jira sanka sida duufka iyo waxyaabo kale oo neefta lasoo raaciyo.

Soohdinta wejiga:

farfiiqda ayuu dhegihiisa gelinayaa.

1. Gacmaha in laqooyo.

Qubayska:

2- Haddii biyo helo ka hor intaadan bilaabin cibaadada loo tayammumay.

Tallaabada 9aad: Waxaan leeyahay: (Allahu akbar) Eebbaa ka Weyn wax walba oo ka soo kacayaa sujuudda ilaa dhabarka uu toosnaado, oo ku farariisano lugta bidix taagayana lugta midig, oranayana: (Rabigfirlii) Eebbow, ii dambi dhaaf.

Tallaabada 11: Waxaan ka soo kacayaa sujuudda, anigoo leh: (Allahu akbar) ilaa aan toos u istaago, oo aan sameeyo rakcada salaadda inta ka hartay sidii aan ku sameeyay rakcaddii hore oo kale.

xishood ayuu ku tilmaamanyahay.

- Kuma dayato ficillada dadka aan muslimka ahayn ee ku sifooba caadooyinkoodadiimeed ee u noqday astaanta iyaga.

ka gal baarkoodka